Allbanaadir.com
NEWS

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhimatay Musiibo ka dhacday Magaalada Kemerovo (Sawirro)

Ku dhowaad boqol qof ayaa ku dhintay sida la xaqiijiyey xarun laga dukaamaysto oo ku taalla magaalda Kemerovo gobolka Siberia ee dalka Ruushka.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay inay carruur yihiin illaa iyo haddana la la’yahay toban ruux.

Dabka oo aan la ogeyn sababta dhalisay ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa lagu soo warramayaa in badankoodu ay ku jireen Shineemo.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayey qiiq ka baxaya daaqadaha iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.

Kemerovo, ayaa ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha, deegaankaan ayaa magaalda Moscow ka xiga dhanka bari qiyaastii 3,600km.

Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shineemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurrtu ku ciyaaraan.

Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha oo lagu madadaasho, sida ay kusoo warraymayso warbaahinta deegaanku.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shineemada.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka sare ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shineemooyinka.

Wakaaladda wararka ee Tass ayaa faafisay in hawl-wadeenada gargaarka dagdaga ah ayaa ku guulaysteeny in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Sudan Oo Lagu amray in ay deg deg ku yimaadaan Muqdisho

admin

Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir, mid kalena ku bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw imaanaya Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---