Allbanaadir.com
NEWS

Urur goboleedka IGAD oo War ka soo saaray khilaafka Siyaasadeed ee Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Urur goboleedka IGAD ayaa war ka soo saaray mowqifkiisa ku wajahan xaalada Somalia gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamanka Somalia taasoo ka dhalatay mooshin laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari

Qoraal uu soo saaray IGAD maanta ayuu ku sheegay inuu mar kale ku celinayo qaddarinta uu u hayo madaxbannaanida, xudduudaha dhulka, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay oo ay si dhow ula socoto xiisadda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya oo halis gelinaysa horumarka wayn ee la sameeyay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaana is mari waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha sharci dajiyaasha dalka taasoo halis dib u dhac ku keeneysa dadaalada ay waddo dowladda hadda jirta ee la xiriirta dib u nidaaminta amniga hay’adaha cadaaladda, fursadaha dhaqaale ee sii kobcaya iyo sidoo kale inay adeegyada aasaasiga ah u gudbiso dadkeeda.

Warkan ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya sameysay hormar si xawli ah ku socday oo ku aaddan dhib u habeynta, taasoo ay sheegtay in mahadeeda ay leedahay xukuumadda hadda jirta oo wadashaaqeyn dhow la leh dowlad gobaleedyadeeda. Waxaana ay sheegtay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray.

IGAD waxay soo dhoweyneysaa horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska golaha amniga qaranka, gaar ahaan heshiiska siyaasadeed ee dhowaan uu gaaray golaha amaanka ee qaramada Midoobay ee 6-dii bisha Febraayo ee sanadka 2018-ka si loo aqoonsado ciidammada gobolka iyo sii wadida isdhexgalka ka dhexeeya hay’adaha aminga qaranka.

IGAD ayaa sidoo kale ku boorrisay dhamaan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku-xirnaanta, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxayna ugu baaqday in la in la ilaaliyo dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dalka u taalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyo ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo Kenya ka bilaabanaya iyo Raila Odinga oo Wacad  maray 

Cabdi Cade

Qorshe lagu dili lahaa Madax sare oo katirsan Dowlada Itoobiya oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Xog Xasaasi ah: Farmaajo iyo Rooble oo Ku Sigtay In Geddisleyda Shidaalka Fara Madoobeyaan Dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---