Allbanaadir.com
NEWS

Dhac Nuuc cusub ah kana argagaxeen Shacabka oo kusoo kordhay Muqdisho !!

Magaalada Muqdisho xaafado kamid ah waxaa kusoo kordhay dhac ay ka argageen dadka shacabka, waxaana dhacan geesanaya rag hubeesan oo ku labisan dareeska u gaarka ah ciidanka Dowlada .

Dhacan waxaa geesanaya rag hubeesan oo u socda labo labo ilaa sadex, waxa ayna guryaha u galayaan dadka ay isleeyihiin waa ladan yihiin iyaga oo iska dhigaya ciidamo baaraya guryahaasi kana raadinaya Al Shabaab.

Xaafado katirsan Degmada Howl Wadaag kuna dhaw xarunta Degmada ayey kusoo bateen dhacan ragan hubeesan geesanayaan, waxaana dhoorkii maalmood ee lasoo dhaafay ragan galeen guryo ku dhaw xarunta Degmada kana qaateen Dahab, Lacag iyo moobeelo.

Dhacii ugu dambeeyay ee geesteen ragan kulabisan dareeska Ciidanka gaar ahaan dharka cagaaran ee wataan ciidanka Nabad sugida ayaa ka dhacay shalay guri ku yaala Xaafada Bermuda ee Degmada Howl Wadaag gaar ahaan guri ku dhaw Saldhiga degmada.

Ragan oo labo nin ahaa kuna labisnaa dareeska ciidanka ayaa xoog ku galay guri dad shacab ah degnaayeen, waxa ayna qolkeeda ugu galeen gabar aroosad aheyd iyaga oo ka qaatay Dahab 20-Gram ah oo gabdhaasi u xirnaa.

”Guriga ayey noo soo galeen qoryo ayey nagu qabteen waxa ayna noo sheegeen in ay Shabaab raadinayaan, aniga qolkayga ayey iigu soo galeen waxa ay igu yiraahdeen Shabaab ayaa tahay dhagta bar kuleedahay kadibna dahab ii xirmaa ayey xoog ku furteen” Ayey tiri gabadha aroosada ah ee burcadan dhaceen.

Kooxdan burcada ayaa sidoo kale telfoono kasii qaatay dad kale oo guriga ku sugnaa, waxa ayna burcad markii dambe Mooto bajaaj kasii raaceen meel aan ka fogeyn saldhiga booliiska Degmada Howl Wadaag.

Burcadan ayaa sidan oo kale horey ugu galay guryo kuyaala Degmada Howl Wadaag iyagoo dhac kala duwan ka geestay, waxaana hada Degmada Howl Wadaag iyo xaafado kale Muqdisho kamid ah ka bilowday cabsi ay shacabku ka qabaan ragan hubeesan.

Qaar kamid ah dadkii ay dhaceen burcadan ayaa sheegay in aysan kala aqoonsan karin ciidanka dowlada midka fiican iyo kan xun, waxa ayna ugu baaqeen Madaxda dowlada in ay wax ka qabtaan burcada kalsooni darada ka dhax abuuraya ciidanka iyo shacabka .

Shacabka Muqdisho ayaana ugu dambeyn looga digayn in ay il gaar ah ku eegaan ragan burcada ah oo inta badan soo xirta darees cagaaran oo ciidanka Dowlada qaataan dhaca iyo dhibaatada shacabka ku haya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Ceel Cadde 

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday iyo Madax kala duwan oo ka hadashay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la ogaaday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---