Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad ka tirsan Yurub oo 154 Soomaali ah ku wargelisay in lagu celinayo dalkooda

Hey´adda Qaxootiga dalka Denmark ayaa sharciga magangalyada dib ugu celisay 59 qof soomaali ah, kuwaasoo kamid ahaa 214 qof oo cabasho ka gudbiyay go´aan ahaa inay Denmark isaga baxaan.

Hey´adda oo qof walba si gooni ah kiiskiisa u qiimeysay ayaa go´aamisay in 59-kan qof aysan amni waara ku heli karin Soomaaliya, sababo kala duwan. Sidaas darteedna loo soo celiyo sharcigii magangalyada ee lagala noqday markii hore.

154-ta qof ee ka soo hartay 214 Soomaali ah  ee cabashada gudbiyay, ayaa la siiyay taariikh kama dambeys ah oo ay dalkaas isagaga baxaan.

214 qof ee cabashada ka gudbiyay go´aanka lagu amray inay Denmark isagaga baxaan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad 1,200 Soomaali ah oo dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Schweinfurt oo la soo taagay haweeney Soomaali ah oo ilmaheeda dishay

Caydiid Ali

Xulka Kubada Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleestay Ciyaarihii maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---