Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay baaritaano culus ka sameeyey qeybo ka mid ah degmooyinka Dayniile iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad badan lagu soo qab qabtay baaritaanadii xalay laga sameeyay labadaaasi degmado oo ka mid ah kuwa ugu camiran magaalada.
Ciidamada ayaa xalay guri guri u galayay xaafado gaar ah oo ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Dayniile, iyagoo halkaasi dhalinyaro badan ku soo qabqabtay, inkastoo qaar ay sii daayeen markii dambe, halka kuwa kalana ay xireen si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Booliska Soomaaliya ayaa mudooyinkan kordhiyey howlgalada baaritaan oo ay ka sameynayeen degmooyinka ka tirsan gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay qaarkood xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com