Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka iyo Taliban oo ka hadlay xanta sheegaysa iney wada shaqeeyaan

Dowlada Ruushka iyo Ururka Taliban ayaa siyaabo kala gooni ah u beeniyay hadalladii ka soo yeeray madaxa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ee ku aadanaa in Moscow ay taageerto, hubna siiso kooxdan.

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Ruushka ee magaalada Kabul ayay ku sheegtay hadalka Jeneraalka inuu yahay mid aan runta ku saleysneyn iyo xan la dhoodhoobay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa isna sheegay inaysan dalna ka helin wax caawinaad ah “Cadowgu arrintani uma hayo wax caddeyn ah.” ayuu intaa ku daray afhayeenka Taliban.

Ruushka ayaa hore u sheegay in xiriirkeeda xaddidan ee ay la leedahay Taliban looga gol leeyahay dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda iyo hubinta ammaanka muwaaddiniinta Ruushka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan Jen. Nicholson ayaa sheegay in Ruushku uu carqaladeynayay dadaallada Mareykanka ee gobolka iyadoo uu jiro dano ay wadaagaan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi kusoo korortay Muqdisho iyo taliska Booliiska oo fariin u diray Shacabka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Gaas oo la Xisaabtamay Hay’adaha Caalamiga ee Puntland ka howlgala

Cabdi Cade

Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---