Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Xiliga Baarlamaanka la horgeenayo Mooshinka Jawaari oo la shaaciyay

Gudomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay xiliga ay kulmanaan Xildhibaanada lana horgeyn doono mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 31-Maarso, waxa uuna xusay in ajandaha kulankaas uu yahay Mooshinka Jawaari.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka ka maqan in ugu dambeyn magaalada Muqdisho ku yimaadaan maalinta khamiista ah oo ku beegan 29-ka bishan Marso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo soo saartay Go’aano ay uga hortageyso Caronavirus iyo xuduudo la xirayo

Cabdi Cade

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay kooxo Hubeesan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Sudan oo War kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---