Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Baladweyne iyo kulamo xasaasi ah oo socda

Xaalada magaalada Baladweyne ayaa saakay degan kadib banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo shalay galinkii dambe magaaladaasi ka dhacay.

Ganacsiga iyo isku socodka ayaa si caadi ah saakay kusoo laabtay, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne wali laga dareemayaa xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa ku guul dareestay in magaalada gudaha u galo, waxa uuna Waare kulamo kawadaa deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka Baladweyne uu xalay ku hoyday.

Waare iyo masuuliyiin kale oo la socota ayaa kulamo la leh Waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan, waxaana laga arinsanayaa sidii loo dejin lahaa xiisada hada taagan xal siyaasadeedna loo gaari lahaa.

Dhinaca kale Waxgarad isku hoolay dajinta xiisada ka taagan magaalada Baladweyne ayaa iyana kulamo la leh Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed oo wali shuruudo ku xiraya in uu xilka ka dego.

Waxaa socvda dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada ka aloosan magaalada Baladweyne si looga baaqsado in mar kale uu magaaladaasi iyo duleedkeeda uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato.

Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa saakay kusii jeeda Baladweyne si ay qeyb uga noqdaan xal u helida xiisada ka taagan magaalada Baladweyne.

Dagaal ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sababay geerida taliyihii ciidanka booliiska Gobolka Hiiraan iyo ciidamo kale, waxa ayna arintan kor u qaaday xiisadii horey uga taagneed Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadamada Islaamka oo ku baaqay in la dhiso Ciidamo Difaaca Falastiin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ganacsatada Muqdisho oo cabasho u gudbiyey Aadan Madobe

Caydiid Ali

Soomaalida Magaalada Zwolle [Nederland] iyo saameynta uu ku yeeshay Covid 19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---