War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in masuul ka ahaayeen qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay ciidamada booliiska Kenya oo ku sugnaa deegaano duleedka ka ah magaalada Gaarisa.
Al Shabaab ayaa sheegtay in gaari ay wateen ciidamada Kenya uu haleelay qaraxa xili uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Sedax goosa iyo Amuuma oo hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya .
Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gaariga qaraxa lala helay uu bur buray uuna jiro khasaaro ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkaasi gaadmada ah ee lala eegtay.
Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin qaraxan Al Shabaab ka geesteen gudaha Kenya, waxa ayna Weerarkan dhacayaa xili dowlada Kenya ay adkeeneyso amaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Al Shabaab ayaa marar badan qaraxyo miino iyo weeraro toos ah ka geesatay gudaha dalka Kenya, waxaana wadooyin badan oo kuyaala gobolka Waqooyi bari maristooda looga cabsadaa qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com