Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab (Akhriso Magaciisa)

Howlgal ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen Deegaan kuyaala Duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in lagu dilay sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in howlgal laga sameeyay Deegaanka Hees ee kuyaala Duleedka Baladweyne lagu dilay Sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta Sakawaadka.

Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure, waxaana ninkan la sheegay in uu caan ka ahaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas, waxa uuna ninkan dadka ka qaadi jira Zakada Al Shabaab ka rabto dadka xoolaha heesta.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in ay dishay saraakiil katirsan Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo ku aadan dilka sargaalkan oo kasoo baxay dhinaca Kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Al-Burhan oo Kenya darteed u qaadacay Shirka IGAD iyo Hemetti oo isna shaki muujiyay

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo caawa la kulmay hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada Haweenka Kenya ee ku biiraya Al-Shabaab oo kordhaya iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---