Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Dibadda ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada ku jira Guddiga Difaaca.
Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaaraha iyo Xildhibaanada ku jira Guddiga difaaca ayaa looga hadlay xiisada kasoo cusboonaatay Degmada Balad Xaawo iyo dhul boobka ay wado dowlada Kenya.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah xubnaha Gudiga difaaca kana mid ahaa Xubnihii Raâiisul Wasaraha la kulmay ayaa sheegay in ay u gudbiyeen cabashada uga timid Shacabka Balad Xaawo oo ah in Kenya ay sameysay xadgudub dhanka Xaduudka ah.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Sadiiq in aysan marnaba raali ka noqon karin Dowlada Soomaaliya in taako dhulkeena kamid ah micno daro lagu qaato, waxa uuna cadeeyay in ay rajeenayaan in Xukuumada Soomaaliya ay qaado talaabo deg deg ah.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Guddiga difaaca uu la kulmay u sheegay in aysan raali ka aheyn in dhulka Soomaaliya lagu soo xadgudbo, waxa uuna faray Wasiirada Arimaha gudaha iyo Dibadda in arintaan il gaar ah ku hayaan.
Dowlada Kenya ayaa bilowday in darbi ka dhisto Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan dhinaca Degmada Balad Xaawo, waxa ayna Kenya dooneysaa in darbiga ka dhisto gudaha Soomaaliya iyagoo bur buriyay guryo shacab degnaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com