Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday rag Al Shabaab u qaabilsanaa Sameynta Qaraxyada (Daawo Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday Sadex nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab una qaabilsanaayeen kooxdaasi  sameynta qaraxyada.

Ragan maanta Maxkamada xukunka ku riday ayaa dhawaan laga soo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxa ayna Maxkamada sheegtay in ragan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud in lagu eedeeyay in Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada isla markaana ahaa Macalin bara dadka sameynta qaraxyada.

Waxa uu sidoo kale Shuute sheegay in labada nin kale ee lagu kala magacaabo  Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar iyana lagu helay in xubno ka yihiin Al Shabaab una qaabilsanaayeen sameynta Qaraxyada.

Maxkamada ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud oo la sheegay in uu Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada la dhigo inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye sidoo kale ahaa macalin dadka bara sida qaraxyada loo sameeyo.

Waxa ay sidoo kale Maxkamada xabsi 10-sano ah midkiiba ku riday Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar oo iyaguna Maxkamada ku heshay in Al Shabaab katirsanaayeen una qaabilsanaayeen qaraxyada.

Ragan maanta Xukunka ay ku riday Maxkamada ayaa laga soo qabtay guri kuyaala Ceelasha Biyaha iyaga oo xiligaasi ku mashquulsanaa sameynta qaraxyada , waxa ay sidoo kale ciidamada kasoo heleen gurigaasi waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waalidiin Gabadhooda oo halis ku jirta u diiday in ay u bixiyaan kellidooda !!

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo Magaalada London ku tilmaamay goob dagaal

Caydiid Ali

Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Balcad (Magacyada)

Caydiid Ali