Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo dal kuyaala Galbeedka Afrika Saldhig Milatari ka furanaya iyo Buuq ka taagan

Baarlamaanka dalka Ghana ayaa ansixiyay heshiis dowlada Mareykanka loogu ogolaanayo in saldhig milatari kaga furtaan dalkaasi, waxaana heshiiskan durba ka dhashay buuq Siyaasadeed oo dalkaasi ka taagan.

Dowlada Ghana ayaa la gashay dalka Mareykanka heshiis ay ugu ogolaaneyso in saldhig ciidan ka sameesato dalkaasi, waxa ayna Ghana heshiiskan ku bedelatay lacag dhan 20-Milyan oo Dollar iyo tababaro ciidanka loo siinayo.

Heshiiskan ay wada gaareen Dowlada Ghana iyo Mareykanka ayaa durba waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiinta dowlada Mucaaradka ku ah, waxaa sidoo kale heshiiskaasi kasoo horjeestay qaar kamid ah shacabka dalkaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee dalkaasi ayaa ku andacoonaya in heshiiskaasi uu yahay mid wax u dhimaya madaxbanaanida Ghana, waxa ay sidoo kale sheegeen in saldhigan uu dhalin karo weeraro Islaamiyiin ka geestaan dalkaasi.

Dadka ka faalooda arrimaha Qaarada Afrika waxaa ay leeyihiin shaki kuma jira in dowlada Mareykanka uu doonayso in ay ballaariso saameynta iyo awooda milateri ee  ku leedahay qaarada Afrika.

Dalka Ghana ayaa kamid ah dalalka ugu xasiloon ee kuyaala Galbeedka Qaarada Afrika, hasa ahaatee dadka u dhashay dalkaasi ayaa qaarkood rumeysan in saldhigan Milatari uu dhibaato dalka keeni karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhada TPLF oo wax lala yaabo ku tilmaantay baaq ka soo yeeray Midowga Afrika

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Ciidamo loo diyaariyay in Al Shabaab ka saaraan deegaano ay heestaan

Cabdi Cade

Askari ka tirsan ciidamada Kumandoska Gorgor oo caawa lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---