Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad ay wali ka taagan tahay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan xadka Degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.
Ciidamada Kenya oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa gudaha usoo galay gudaha Balad Xaawo waxa ayna bur buriyeen guryo dad shacab lahaayeen, waxa ayna darbi ka dhisayaan gudaha xadka Soomaaliya.
Shacabka degmada Balad Xaawo oo ka careesan dhul boobka iyo bur burinta ay wadaan ciidamada Kenya ayaa bilaabay in dhagxaan kaga hortagaan ciidamada Kenya, waxa ayna shacabku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan dhul boobka Kenya wado.
Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya u dirayaan xuduuda muranku ka taagan yahay si ay uga hortagaan dhul boobka ay wadaan ciidamada Milatariga Kenya.
Guddoomiye kuxigeenka amniga Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ciidamada Kenya kusoo xadgudbeen dhulka Soomaaliya ayna bur buriyeen guryo dad shacab ah leeyihiin iyaga oo awood adeegsanaya.
Waxa uu sheegay in ciidamo la geenayo xadka ay dhul boobka ka wadaan Kenya si looga hortagao dhul boobka iyo bur burinta ay wadaan ciidamada Kenya, waxa uuna sheegay in ay u diyaar garoobayaan in ay iska difaacaan ciidamada xad gudubka wada ee Kenya.
Dowlada Kenya ayaa bilowday in ay darbi ka dhisto xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, waxaana darbigan laga dhisayaa dhinaca Xuduuda Soomaaliya , waxa ayna Milatariga Kenya bur buriyeen guryo ay dad shacab ah lahaayeen oo kuyaala Balad Xaawo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com