Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari iyo Xildhibaano taageersan oo tagay xarunta Xalane lana kulmay Fransico Madiera (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinku ka yaalo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanaka iyo Xildhibaano taageersan ayaa tagay xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee AMISOM.

Jawaari iyo xubnaha la socday ayaa xarunta xalane kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM.

Kulanka ayaa looga hadlay xiisada ka dhalatay Mooshin Xildhibanao katirsan Baarlamaanka ka geeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ciidamo cusub oo la sheegay in ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka.

Sida aan Wararka ku helnay Jawaari iyo Xildhibaanada la socday ayaa ka codsaday Taliska AMISOM in ay xaqiijiyaan amaanka xarunta Baarlamaanka oo la filayo in ku kulmaan Baarlamaanka codna u qoodaan mooshinka Jawaari laga keenay.

Fransico Madiera iyo Saraakiisha kale ee AMISOM ayaa la sheegay in ay aqbaleen codsiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ku aadan in ay gacan ka geestaan xaqiijinta amaankiisa iyo tan xarunta golaha shacabka .

Xarunta Baarlamaanka ayaa dhawaan la geeyay ciidamo dheeraad ah oo katirsan Dowlada iyo AMISOM, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaano taabacsan ayaana muujiyay in aysan ku kalsooneyn ciidanka Soomaalida ah ee la geeyay xarunta Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo soo saaray bayaan wadajir ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Niger: Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay degan yihiin Milateriga Mareykanka

Caydiid Ali

Duqii magaalada Jalalabad oo Daalibaan isku dhiibay kuna wareejiyay xilka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---