Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo kordhinaya howlgalada uu ka wado Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Taliyaha ciidanka Militariga Maraykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser , waxa uuna taliyaha kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada ay dowlada Mareykanka ka siiso dowlada federaalka Soomaaliya la dagaalanka kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira dowlada federaalka sidoo kale kasoo horjeeda danaha Mareykanka.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Yamamoto oo kulanka taliyaha iyo Kheyre ka qeyb galay ayaa sheegay in hawlgalada militari ay qeyb weyn ka tahay taageerada Maraykanka uu la garab taagan yahay dowlada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Safriirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto in Mareykanka kordhinayaan howlgalada ay kawadaan Soomaaliya kuna garab siinayaan dowlada federaalka Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhisay weerarada dhinaca cirka ah ee la beegsaneyso dagaalyanada Al Shabaab iyo Daacish , waxa ay sidoo kale Mareykanka ka qeyb qaataan weerarada dhinaca dhulka ah ee fuliyaan ciidanka kumaandooska.

Related posts

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn khasaaro dhalisay oo ay ka fuliyeen Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay iney isku soo dhiibeen 107 ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Shuruudo lagu xiray Ciidamada iyo Shaqaalaha maamulka Somaliland ee doonaya in ay galaan …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---