Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay darbiga Kenya ka dhiseyso xadka Somalia iyo Kenya ee degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo
Mudaaharaadyo iyo deganaansho la’aan ayaa ka jiray maalmihii la soo dhaafay Balad xaawo ka dib markii ay iska hor yimaadeen ciidamada Kenya iyo dadka degaanka oo isku khilaafsan halka derbigaas la marinayo.
Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xadka Soomaaliya uusan aheyn wax la qaldi karo maadaama labada dowladood ay leeyihiin Xaduud dheer oo horey loo asteeyey.
Waxaa uu intaa ku daray in horay halka leysku heysto loogu diray Guddi heer federal ah oo uu hogaaminayay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid (Juxa).
“Xaduudka labada dal waa mid cad, balse waxaa jira isku-guur guur maadaama dalka mudo 30 Sano ah uusan laheyn wax dowlad ah, waxaana jira in qeyb ka mid ah degmada B/xaawo ay u fiday dhinaca Mandhera, kana talowday xadka, taasoo sababtay in derbiga xadka uu soo dhexmaro” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ilgaar ah lagu eego xaalada taagan, isagoo xusay in dhowaan ay ka wada hadli doonaan isqaqabsiga taagan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu isagu goobjoog ka noqon doono.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Beled Xaawo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay halkaas soo dhoobeen ciidamo fara badan iyo gaadiid gaashaaman ka dib markii dadweynaha degmadaas ay duugeen qeybo ka mid ah god Masaafo dheer oo loogu talo galay in laga dhiso derbiga xadka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com