Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dowlada Kenya oo shaacisay talaabo cusub oo ka dhan ah Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismamaulka Lamu, waxayna sheegtay inaysan jirin cid ka soo gudbi karta xadka Kayunga iyo Raaskambooni.

Kenya ayaa arrintan u sababaysay walaac dhanka amniga ah oo ka jira deeganadaasi.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sabaab ayaa weerarao kala duwan horay uga fuliyay deegaanaada Lamu iyo dhanka xadka Raaskaambooni ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xili dowlada Kenya ay mudooyinkan qaadeysay talaabooyin isdaba joog ah oo ka dhan ah Soomaaliya gaar ahaan dhinaca socdaalka labada dal, kuwaasoo qeyb ka ah cadaadis ay dowlada Somalia ku saareyso iney ka laabato kiiska  dacwada badda ay sheeganeyso Kenya balse ay leedahay Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Coltan

Cabdi Cade

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo geeriyooday

Caydiid Ali

Shuruud lagu xiray in shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---