Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Qarax gaari laga soo buuxiyey oo ka dhacay Magaalada Alexandria

Qarax loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa ka dhacay Magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Waxaa ku dhintay qaraxan askari ka tirsan ciidammada booliska Masar, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Wasaaradda arrimaha gudaha Masar ayaa sheegtay in weerarkani lala eegtay taliyaha ciidanka Booliska Alexandria Major General Mostafa Al-Nemr baabuur uu saarnaa marayay goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarkan ayaa imanaya laba maalin ka hor xiliga loo asteeyay in Masar ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Doorashadan ayaa waxaa ku loolamaya madaxweynaha talada haya Cabdulfitaax Al-Sisi iyo siyaasiyiin aan miisaan ahaan u dhigmin.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan hase yeeshee kooxda Daacish ayaa horey ugu hanjabtay iney weeraro qaadayso xiliga doorashooyinka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Deni, Karaash & C/rashiid Jibriil oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay Magacyada deegaanada Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---