Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso War Saxaafadeed kasoo baxay Hay’ad ay ku mideesan yihiin Bangiyada Soomaaliya

Waxaa dib u habayn lagu sameeyay midowga bankiyada Soomaaliyeed oo ah hay’ad midaysa dhamaan bankiyada dalka Somalia.

Dib uhabaynta lagu sameeyay midowga ayaa taabanaysa xubnaha ka tirsan oo la balaariyay, shuruucdii iyo qawaaniintii hay’adda oo wax laga bedelay iyo hab-dhismedka maamul ee midowga oo isagana wax laga bedelay si uu ula jaan-qaado hab-maamulka casriga ah ee ku dhisan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka.

Ujeedooyinka iyo himilooyinka Midowga Bankyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah:

1. Kor u qaadidda iyo horumarinta howlaha Bangiyada Soomaaliyeed si loo gaarsiiyo dadweynaha adeeg banki oo udub-dhexaad u noqon kara kobaca dhaqaale ee dalka iyo abuurista fursado shaqo si toos ah iyo si dadban intaba;

2. Xeerinta danaha guud ee mideeya Bangiyada iyo in loogu tartamo suuqa si hufan.

3. Xoojinta Aqoonta iyo wacyiga dadweynaha ee la xiriirta hab dhaqanka iyo Mucaamalaadka Bangiyada.

Midowga Bankiyada Soomaaliyeed waxa uu chaiman u doortay Mr. Abdulrazak Mohamed Ahmed, madaxa Hawlaha ee Premier Bank muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa Febraayo 2018.

Midowga ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan magacaabi doonaa hay’ad fulineed oo meel marisa qorshe sanandeedka midowga isla markaana qabata dhamaan shaqooyinkiisa maalinlaha ah.

 


Xubnaha Midwga Bankiyada Soomaaliyeed:

1. Amal Bank LTD,______________________________________________________________

2. Dahabshil Bank International, __________________________________________________

3. International Bank of Somalia (IBS), _____________________________________________

4. Premier Bank LTD, ___________________________________________________________

5. Salaam Somali Bank, __________________________________________________________

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiiradii ka banaanaa Xukuumada RW Khayre oo goor dhow la magacaabay (Akhirso)

Caydiid Ali