Allbanaadir.com
NEWS

Afar Wasiir oo looga yeeray Aqalka sare si wax looga weediiyo xaalad deg deg ah oo soo korortay

Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray Afar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya si wax looga weediiyo xaalad kusoo korortay Degmada Balad Xaawo gaar ahaan dhinaca xadka Kenya.

Xubnaha Aqalka sare ayaa ka dooday xiisada ka taagan Degmada Balad Xaawo oo ka dhalatay darbi la sheegay in dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan qeybo kamid ah Degmada Balad Xaawo.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada ku guul dareesatay in wax ka qabato dhibaaada Kenya ay kawado Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Fartaag in ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dhinaca Balad Xaawo kana wadaan halkaasi sida uu tilmaamay dhul boob iyo barakicin, waxa uuna xusay in Kenya Godad waa ween ka qoday gudaha Balad Xaawo ayna dooneyso in darbi ka dhisato.

” Waa Nasiib daro in Xukuumada Soomaaliya indhaha ka qarsato dhul boobka iyo dhibaatada kale ee lagu hayo shacabka Kenya, waxaan codsaneynaa in loo yeero si wax looga weediiyo Wasiirada arintan quseyso” Ayuu Yiri Senator Fartaag.

Ugu Dmabeyn Xildhibaanada Aqalka sare ayaa isku raacay in loo yeero Wasiirada kala ah a Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga ,Arrimaha Dibadda iyo Amniga si wax looga weediiyo xaalada deg dega ah ee kusoo korortay Xadka Soomaaliya iyo Kenya .

Dowlada Kenya ayaa maamihii lasoo dhaafay bilowday dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Kenya la sheegay in gudaha usoo gashay Soomaaliya ayna bur burineyso guryo kuyaala dhinaca Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo gaaray Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Dilal dad badan ka naxeen oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---