Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoonka Aqalka Sare & Danjire Madeira oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, ayagoo ka wada hadlay Xirrirka labada dhinac.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Mowlid Xuseen Guhad,Hab dhowraha Aqalka Sare Senator Cabdi Kaafi Macalin Xassan iyo Xog-haye Kuxigeenka Aqalka Sare.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay; Awoodaha loo xilsaaray (Mandate) Amisom oo wax kabadal Cusub lagu sameeyay goor dhaw, sidoo kale waxaa looga hadlay arrinta Dowlada Xubinta ka ah dowlada Federaalka ee Galmudug iyo sida xalinteeda looga qeyb qaadana lahaa.

Danjire Francisco Madeira ayaa weydiiyay macluumaad ku saabsan Shirka Garoowe ee ay Maddaxda Xukuumada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya isugu yimadeen asagoo ka wareystay Gudoomiyaha Aqalka Sare-BFS.

Ugu danbeeynti waxaa kulanka looga hadlay arrima ku saabsan Guddiga Doorashooyinka iyadoona la’isku waafaqay in la joogteeyo Xirrirka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay dhibaatada Ciidanka DF ee Gorgor ku hayaan Shacabka Guriceel?

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Khilaaf diblumaasiyadeed ka dhax abuuray Kenya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia oo kulan sagootin ah la qaatay danjire Fei Shengchao

Caydiid Ali
Taboola Ads ---