Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa guddi cusub u saaray Weerarkii sanadkii hore ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku qaadeen guriga uu Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Guddiga cusub ee maanta loo saaray baaritaanka Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid ayaa ah Xildhibaano katirsan Aqalka sare, waxa ayna baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan weerarka guriga Senatorka lagu qaaday.
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa guddigan amray in ay si deg deg ah baaritaanka usoo gabo gabeeyaan, waxa ayna Xildhibaanada sheegeen in guddigan heestaan waqti kooban lagana filayo in natiijo kasoo saaraan baaritaankan.
Cabdi Qeybdiid ayaa horey u sheegay in uusan ku kalsooneyn guddi baaritaan ku sameeya weerarkii lagu soo qaaday uu horey u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Halkan ka Akhriso magacyada Guddiga la magacaabay
1-Maxamed Amiin Sheekh Cisman Gudoomiyaha Guddiga
2-Axmed Xaashi Maxamuud, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga
3-C/saaq Axmed Cali,
4-C/hi Sheekh ismaacil Fartaag
5-Cabdulaahi Cabdi Garuun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com