Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Xaaf oo shaaca ka qaaday in uu tagi waayay Gurigiisa Muqdisho kana hadlay …

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa ka hadlay cadaadiska uu maamulkiisa kala kulmayo dowlada federaalka Soomaaliya oo xiligan khilaaf xoogan kala dhaxeeyo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf culeeska ka heesta dhinaca dowlada federaalka uu keenay in uu tagi waayo gurigiisa kuyaala magaalada Muqdisho sidoo kale ku adkaatay in uu tago Cadaado in uu diyaarad ku dul maro mooyee.

” Culeeska na heesta ayaa sababay in hal sano aan tagin gurigeyga Xamar , Cadaadana diyaarad baan ku dul maraa, Laakiin intaas oo dhan dagaal baan ka xigaa waana gaari doonaa ” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka Mashaariic ay horey u balan qaadeen in ay ka fulinayaan deegaanada Galmudug aysan waxbo ka qabsoomin .

Xaaf ayaa sidoo kale beeniyay in uu jiro khilaaf kala dhaxeeya madaxda Ahlu Sunna , waxa uuna xusay wararka la baahinayay ay ka dambeeyeen dad uu sheegay in ay kasoo horjeedaan horumarka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe oo ka hor yimid wadahadalka Somalia iyo Somaliland

Caydiid Ali

Dilkii Paol Farmosa oo saameyn ku yeelatay Ajaaniibtii ka shaqeeneysay Dekadda Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---