Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Cabdirashiid Xaashi Cartan oo ka soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyey

Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee uu xilka  ka qaaday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid xilka qaadistii lagu sameeyay.

Cabdirashiid Xaashi Cartan oo shir Jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in Wareegtadii xilka looga qaaday aysan waxba ka jirin, isla markaana uusan u hogaansami doonin.

Waxaa uu sheegay Cabdirashiid Cartan inuu isagu weli yahay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug lagana taageersan yahay halkaasi, wuxuuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya oo aysan isku fiicneyn Xaaf laga taageersan yahay Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu ugu baaqay inuu u diyaar garoobo doorasho bisha soo socota ee July, wuxuuna tilmaamay in Galmudug xiriirka ay u jartay dowladda Soomaaliya uu ku kooban yahay oo kaliya Madaxweyne Xaaf oo sidoo kale uu ku eedeeyey inuu danahiisa gaarka ah oo kaliya eeganayo.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulkiisa Cabdirashiid Xaashi Cartan, isagoo u magacaabay xilkaas Cabdiraxmaan Cali Diiriye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiishii ugu badneyd oo loo xirxiray weerarkii shalay lagu galay xarunta Otta otta

Caydiid Ali

Boqor Salmaan oo lagu sameeyay qaliin iyo Boqortooyada Sacuudiga oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Dowlada Ciraaq oo Sweden u gudbisay dalab la xiriira ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---