Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo kulan la qaatay Golaha dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa Golaha Dhaqaalaha Qaranka la qaatay kulan looga hadlay dardar gelinta qorsha dayn cafinta, istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda iyo iskaashiga dhaqaale ee gobalka geeska Afrika.

Golaha dhaqaalaha Qaranka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo lagu cadaadinayo in Hargeysa kusoo dhaweeyaan Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & ku dhowaad 100 Xildhibaan oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

TPLF oo sheeko cusub keentay iyo Caqabado cusub oo ka hor yimid Wadahadalka Nabada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---