Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan amniga looga hadlay oo Muqdisho ka dhacay & qodobo ka soo baxay (Sawirro)

Xarunta qeybta Booliska ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtaty kulan uu guddoominayey duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow kaasoo looga hadlay amniga caasimadda iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi  Maxamed Ameriko, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah saraakiisha talisyada ciidamada Booliska.

Waxaa inta badan kulankan diirada lagu saaray dardargelinta sugida Amniga, Isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka caasimadda Muqdisho.

Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa ka mid ah in la kordhiyo howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka, iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada iyo lala xisaabtamo ciidamada xad gudubyada kula kaca shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa saraakiisha amaanka ugu baaqay iney guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darada ee ka dhaca magaalada, isla markaana loo soo qaban lahaa kooxaha ku lugta leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho oo dhaqaalo badan ka helay Mooshinka Jawaari

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Booliiska Canada oo loo heesto dilka Muwaadin Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Duqa magaalada Istanbul oo lagu dhegan yahay xaalkuna ku xunyahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---