Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Maxaa ka jira ciidamada Jabuuti 13 askari looga dilay Weerar ka dhacay..?

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray shalay gelinkii dambe ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Jabuuti oo marayay duleedka degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal socday in ka badan 30 Daqiiqo oo la isku adeegsaday hub kala duwan, iyadoo la maqlayey rasaas iyo qaraxyo halkaas ka dhacayay.

Al-Shabaab ayaa waxay sheegteen in weerarkaas ay dhimasho iyo dhaawac ugu noqdeen 13 askari oo ka tirsan Ciidamada Jabuutim hase ahaatee masuuliyiin ka tirsan maamulka jalalaqsi ayaa sheegaya in lix ka mid ah ciidamada Jabuuti lagu dhaawacay weerarkan.

Sidoo kale waxaa jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kooxda Al-shabaab hase ahaatee tirakoob sax ah lagama hayo, mana ahan markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar noocan ah ku qaadaan ciidamada Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo shaaciyay in hubkii dowlada geesay Gedo gacanta u galay Al Shabaab

Cabdi Cade

Iran oo Xukun adag ku riday Anousheh Ashouri oo lagu eedeeyay Dambi culus

Cabdi Cade

Aadan Madoobe: “Xal ayaa laga gaaray dhacdadii 27kii November”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---