Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, isagoo magacaabay guddoomiye cusub oo bedelaya.
C/raxmaan Cali Diiriye ayaa Madaxweyne Xaaf wuxuu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Laguma xusin wareegtada sababta keentay isbedelkan hase ahaatee waxaa lagu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala gobolka Mudug inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.
Hoos ka akhriso Wareegtada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com