Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga Codka loo qaadayo Mooshinka laga keenay Jawaari oo la shaacinayo

Guddiga joogtada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in xarunta Villa Hargeysa ku shiraan go’aana ka gaaraan xiliga codka loo qaadayo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaan wax kulan ah qaadan mudo isbuuc ah , waxa ayna Xildhibaanadan ku mashquuleen Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sida aan Wararka ku heleyno Guddiga joogtada ayaa la filaaa in ay go’aamiyaan in isbuucan gudihiisa Baarlamaanka kulmaan go’aana ka gaaraan Mooshinka Xildhibaanada ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u qeyb samay labo garab kuwa taageersan Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kwa kasoo horjeeda oo Difaacaya Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Hadiyado la siiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya Ma Ka Badbaadi Kartaa Dagaal La Mid ah Kan ka qarxay dalka Itoobiya ? !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---