Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad ka dhalatay Shaqo joojin lagu sameeyay Cali Dhuux Mahad Alle oo ka taagan magaalada…

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay magaaladaasi ay ka jirto xiisad ka dhalatay Shaqo joojin maamulka Hirshabelle ku sameeyeen Duqii Baladweyne.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo taabacsan Duqii magaalada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah magaalada , waxa ayna kasoo horjeedaan shaqol joojinta Duqa magaalada lagu sameeyay.

Ciidamadan hubeesan ee taabacsan Duqii magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay hareereyeen xarmaha maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro xiisada saakay ka taagan magaalada Baladweyne ee ka dhalatay shaqo joojinta Maamulka Hirshabelle ku sameeyeen Cali Dhuux Mahad Alle.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle ayaa shaqadii looga joojiyay Duqii magaalada Baladweyne, waxaana wareegtadaasi lagu magacaabay masuul kale oo si KMG ah usii qaban doona Duqa Baladweyne.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dufle: Cagaarshowgu waa cudur dillaa ah, haddii aan laga digtoonaan”

Caydiid Ali

RW Rooble: “Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka ku dhiban xirnaashaha jidadka”

Caydiid Ali

Trump iyo Putin oo ku balamay iney ku shiraan dal Carbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---