Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu dilay Muqdisho

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan Ciidankaas oo ilaalo ka hayay Kontrol ku yaala nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho uu toogtay Sarkaal ka tirsanaa taliska dembi baarista ee CID-da.

C/Wahaab Aadan ayaa ahaa madaxa baarista dambiyada ee Saldhigga degmada Waaberi, waxaana xilliga la tooganayay uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Dilka ayaa dhacay ka dib markii sarkaalkan uu nawaaxiga Isbitaalka Daaru Shifa ka soo xiray Saddex askari iyo gaari ay wateen, kuwaasoo loo heysto rasaas xalay laga maqlay aagga wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidanka Booliska ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo askarigii dilka geystay oo la sheegay inuu ka baxsaday goobtii uu wax ku dilay, lamana oga sababta uu u dilay sarkaalkan iyo ujeedada ka dambeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo Shaaciyay in uu la kulmo karo Hogaamiye La baadi goobayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni: “Hadafkayga ugu weyn waa inaan ka taqalusno nidaamka Farmaajo”

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Al Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliis iyo Mustafa Cagjar oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---