Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta la filayaa in guddi Senetaro ah in ay u magacaabaan baarista weerarkii Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya sanadkii hore ku qaadeen guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Senator Cabdi Qeybdiid oo isbuucii hore ka hadlay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn guddiga Madaxweynaha Soomaaliya u saaray baaritaanka weerarkii gurigiisa lagu qaaday.
Waxa uu ka codsaday Cabdi Qeybdiid Xildhibaanada Aqalka sare in guddi ka kooban Aqalka sare iyo Aqalka hoose u saaraan sababta keentay in ciidamo katirsan dowlada weerar ku qaadaan gurigiisa.
Guddi baaritaan uu Madaxweynaha Soomaaliya u saaray baaritaanka weerarka Cabdi Qeybdiid gurigiisa lagu qaaday ayaan wax natiijo ah soo bandhigin, waxaana la filayaa in guddigan loo saarayo si deg deg ah natiijo arintan uga soo saaraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com