Allbanaadir.com
NEWS

Cabsi xoogan oo lasoo daristay Haweenka ka shaqeeya Nadaafada gobolka Banaadir

Haweenka ka shaqeeya nadaafada Degmooyinka gobolka Banaadir ee loo yaqaan Malaamileyda ayaa xiligan waxaa lasoo darsay cabsi xoogan , iyaga oo ka cabsi qaba in nafsadooda loo dhibaateeyo shaqada ay hayaan darteed.

Koox aan wali heebtooda la aqoonsan ayaa Khamiistii sumeeyay haween nadaafada ka shaqeenayay oo ku sugnaa Degmada Cabdi Casiis, waxaana tiro haween ah oo suntaasi waxyeeleesay la geeyay Isbitaalada Muqdisho

Gaari nuuciisu lagu sheegay Noah oo ay la socdeen dadkii weerarka ku geestay sunta ayaa baxsaday, waxaana jirta cabsi kale oo laga qabo in dadkaasi ay mar kale weerar sun loo adeegsado geesan karaan.

Haweenka Nadaafada gobolka Banaadir ka shaqeeya ayaa hada muujinaya dareen cabsi leh, waxa ayna qaarkood sheegeen in aysan howshaan wadi karin hadii aysan heleyn ciidan ilaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan qaraxyo iyo dilal lagula beegsaday haween badan oo ka shaqeenayay nadaafada, howlaha nadaafada ayaana joogsan inkastoo haweenka qaarkood cabsi owgeed xiliyo kala duwan uga hareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay Ankara (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii Baydhabo iyo Howlgalo cusub oo bilaabanaya

Cabdi Cade

Shir aan Caadi aheyn oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada iyo Warar sheegaya in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---