Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed hagar (Yuusuf Dabageed) kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay.
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loogu magacaabay Cali Maxamed Caraale, oo kamid ah musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Hirshabelle.
Xil ka qaadista deg dega ee Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf axmed hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa timid kadib markii shalay uu Warbaahinta ka weeraray Madaxweynaha Hirshabelle.