Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dil Caawa ka dhacay magaalada Jowhar iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa caawa xaafada Hanti wadaag ee magaalada Jowhar ku dilay sargaal la sheegay in uu katirsanaa waaxda canshuuraha ee maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay rag biskoolado ku hubeesan ayaa dhowr xabo ku dhuftay C/rashiid Xaaji Muxumed oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Kooxdii dilka sargaalkan ka dambeesay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska magaalada Jowhar kuwaa oo sameeyay howlgalo baaritaano ah.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa kamid ah magaalooyinka nabdoon ee dalka kuyaala, waxaana magaaladaasi ku yar dilalka qorsheesan iyo sidoo kale qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Afisiyooni oo fashilmay & Wasiir Dubbe oo eedeeyey Deni iyo Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Maxkamad sii deysay nin dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar iyo Xubno kale

Caydiid Ali

Somaliland oo Hargeysa ku marti gelineysa tartan ciyaaro yaab leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---