Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heyadda UNHCR oo fulisay codsi kaga yimid 125 Qaxooti Soomaali ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga UNHCR ayaa sheegtay in dad gaaraya 125 qof oo Soomaali qoxooti ku ahaa dalka Yemen ay dib ugu celisay Somalia.

UNHCR ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeysay kaddib markii ay iyagu ka dalbadeen in dalkooda lagu celiyo.

Waxay intaas ku dartay in qaxootigan sababta ay u dalbadeen in Somalia lagu celiy ay ahayd kaddib markii ay xaaladda dalka Yemen ay ka dartay.

Qaxootigan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda ayaa waxaa laga soo qaaday dekedda Cadan, iyadoo la geeyay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia, waxaana ay qayb ka yihiin kumannaan qaxooti ah oo dib loogu soo celiyay Somalia.

Tan iyo sannadkii 2017-kii ayaa UNHCR waxay intaas ku dartay iney dib ugu celisay Somalia dad gaaraya 4, 298-qof oo Somali ah, kuwaasoo qoxooti ku ahaa dalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabadha la dhalatay Kim Jong-un oo ku hanjabtay in ay adeegsan doonaan Nukliyeer hadii…

Cabdi Cade

Magaca & Qabiilka mid ka mid ah raggii isku qarxiyey Otto otto oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kulan Garawe uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---