Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Go’aan adag oo ka dhan ah Milatariga Sudan Xukuma oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Golaha Amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa kulan deg deg ah ay yeesheen waxa ay kasoo saareen go’aan ka dhan ah Milatariga xooga kula wareegay Xukunka dowlada Sudan.

Kulanka golaha yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in dowlada Sudan laga hakiyo xubinimada Midowga Afrika, waxaana Xubanimada Sudan ee Midowga Afrika shuruud looga dhigay in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

” Gollaha amnigu iyo nabada wuxuu Suudaan ka joojiiyay in ka qaybgasho dhammaan howlaha ee midowga afrika, inta laga soo dhisayo xukuumad rayid ah, taasi oo ah wadada kaliya ee lagaga gudbi karo mushkilada ka taagan wadankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika.

Go’aankan Midowga Afrika kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili Milatariga Sudan xukunkiisa la wareegay ay awood u adeegsadeen dadka dibad baxayaasha, waxaana Milatariga maalmihii lasoo dhaafay dileen dad ka badan 100-qof oo dibad baxayaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo gaaray Magaalada New York

Caydiid Ali

Ninkii Xabadeeyay dad ku banaan baxayay Muqdisho oo la xiray iyo Dowlada oo …

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo u digay Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Jubbaland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---