Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kenya oo xiray Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Siyaasada ka faalooda

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa xalay gurigiisa oo kuyaala magaalada Nairobi kala baxay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya.

Ehelada Dr Ibraahim ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka Kenya gurigiisa ugu soo dhaceen ayna la baxeen, walina lama oga halka ay la aadeen ama ku xireen ciidamada amaanka.

Ilaa hada lama oga sababta ay ciidamada amaanka Kenya u xireen aqoonyahankan Soomaaliyeed ee dalkeeda kunoolaa, mana jiro ilaa hada wax war ah ay laamaha Kenya kasoo saareen xariga Dr Bursaliid.

Aqoonyahan Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa macalin ka ah Jaamacad kutaala magaalada Nairobi, waxa uu sidoo kale Dr-ka ka faaloodaa arimaha siyaasada bariga Afrika gaar ahaan tan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray laba kacleynta Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo Shaaciyay in Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad ay fududeeyeen ….

Cabdi Cade

Al-shabaab oo soo bandhigtay saldhigii Faxfaxdhuun ee ay ka baxeen ciidanka Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---