Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ayatollah Ali oo ka digay heshiiska qarniga ee lagu Khiyaanayo Dunida Muslimka

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa  dhalleeceeyey qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay “khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka”, wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan.

Xukuumadda Washington ayaa la filayaa inay dhammaadka bishan dalka Bahrain kusoo soo bandhigto qeybta dhaqaalaha ee qorshaheeda muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin, kaasi oo loogu magac daray “Heshiika qarniga.”

“Ujeedada shirkan waa in laga gun gaaro qorshaha Mareykanka ee khiyaanada iyo sharaf-tirka ah ee ku wajahan Falastiin, kaasi oo ay ku magacaabeen ‘heshiiska qarniga’” ayuu Ayatollah Ali Khamenei ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu ugu talo-galay munaasabdda ciidda.

“‘Heshiiska qarniga’, Insha Allah marnaba ma hir-geli doono, tani waa khiyaano weyn oo ka dhan ah dunida Islaamka. Waxana rajaynayaa in hogaamiyayaasha Bahrain iyo Sacuudiga ay garowsan doonaan dabinta ay ku socdaan iyo dhaawaca ay gaarsiin doonto mustaqbalkooda” ayuu yiri

Heshiiskan oo uu horkacay wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo la rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka Bahrain ka dhacaya 25-26-ka June, kaasi oo Falastiiniyiinta ay qaadaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo hub Casri ah oo lagu qiimeeyay lacag aad u badan ka iibinaya Qatar

Cabdi Cade

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali loo heysto inuu qarxin rabay kaniisada ugu weyn Roma oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---