Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado ka tirsan caalamka oo si kulul uga hadlay qaraxii shalay ka dhacay Jidka Maka Al Mukarama

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Britain ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Saudi Arabiya ayaa cambaareysay qaraxaas oo ka dhacay ka soo horjeedka Hotelka Weheliye ee ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waxaa tacsi loogu diray dad ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada uu Dowladda Soomaaliya ka siiyo la dagaalanka argagaxisada.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareysay qaraxan, wuxuuna Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isaga oo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Sidoo kale, dowlada Imaaraadka Carabta ayaa iyana sheegtay in Al-Shabaab aysan marna dooneyn inay noolaadaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayey Caalamka ka dalbatay in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.

Sidoo kale, Safiirka dowladda Britain u fadhiya dalka Soomaaliya, David Concar ayaa sheegtay in uu cambaareynayo qaraxaasoo uu sheegay inaysan wax wanaagsan aheyn leynta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan isagoo tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkoodii ku waayay qaraxaas, isagoo xusay in Britain ay sii wadayso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday shalay galab goob shaaha laga cabo oo ay buuxeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasoo dad ku dhow 20 qof ay ku dhinteen halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshe Howlleedka Maamulka G/Banaadir ee 2019 oo la meel mariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo ka hadlay lacago la sheegay in la siiyey Xildhibaanada federaalka

Caydiid Ali

Labo Nin oo Ilmo Adeer ah oo dagaal qaraar oo dhax maray isaga jaray labo Gacmood !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---