Allbanaadir.com
NEWS

Nin hubeysan oo dad ku afduubtay Super market ku yaalla Faransiiska (Daawo Sawirro)

Nin hubeysan ayaa dhowr qof ku haysta Super market ku yaalla magaalada Trèbes oo ku taalla koonfurta Faransiiska.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaysa in ninka uu markii hore xabbado ku furay booliis, isagoo mid ka mid ah dhaawacay balse xaaladdiisu aysan khatar ahayn.

Ninka hubeysan ayaa sheegtay inuu ka tirsan yahay Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in hal qof uu dhintay weerarkan, balse weli lama xaqiijin.

Boqollaal saraakiil booliis ah ayaa goobta la geeyay, iyadoo waddooyinka galena la xiraym lamana oga sida waxa ka socda Super market.

Bishii January sanadkii 2015 nin hubeysan ayaa afar qof ku dilay supermarket ku yaalla Paris.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Mursal: “Koonfur Galbeed oo Maqan Ma jiri karo Baarlamaan la dhaariyo”

Caydiid Ali

Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday xero ay Ciidamada Danab ku leeyihiin …

Cabdi Cade

Deni, Madoobe iyo beesha caalamka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali