Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Nicolás Berlanga (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Danjire Martinez ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Midowga Yurub danjire uga noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo Cafis u fidisay Maxaabiis badan oo u xirneyd

Cabdi Cade

Sheikh Tamim Bin Hamad oo ku gacan seeray Casuumadii Boqor Salmaan

admin

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay in Xukuumadiisa Mucaaradka awood u adeegsato 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---