Madaxweyne Donald Trump ayaa badalay la taliyihii ammaanka Qaranka Maraykanka McMaster isagoo ku badalay wasiirka difaaca ee wakhtigii madaxweyne Bush, John Bolton ninkan ayaa sidoo kale horay u soo noqday danjirihii Maraykanka ee Qaramada Midoobay.
Trump ayaa Twitterka ugu hambalyeeyay McMaster, wuxuuna sheegay inuu hawl wanaagsan qabtay uuna waligii ahaan doono saaxiibkii.
Bolton oo taageeray in la weeraro Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in ay shaqadiisu noqon doonto in uu xaqiijiyo in madaxweynuhu uu helo “talooyin kala duwan oo dhamaystiran”
McMaster ayaa noqonaya qofkii u dambeeyay ee isaga oo darajo sare haya ka huleela Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.
Toddobaadkii hore Trump ayaa eryay wasiirkii arrimaha dibada ee Maraykanka Rex Tillerson isaga oo Twitter adeegsaday, wuxuuna ku badalay madaxii hore hay’adda dambibaarista Maraykanka ee CIA Mike Pompeo.
Magacaabidda Bolton ansixin ugama baahna aqalka Senetka ee Maraykanka, wuxuuna noqon doonaa qofkii saddexaad ee ammaanka qaranka kala taliya Trump muddo 14 billood ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com