Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Caan ah oo Su’aalo ka keenay Qoraal lagu daabacay Websetka Shirkada Spectrum

Shirkadda Spectrum Geo Lt oo ah shirkada iibgeyneysa Shidaalka Soomaaliya ayaa sameesatay Webset cusub oo loogu tala galay in lagu soo bandhigo xogaha shidaalka Soomaaliya iyo jadwalka Tartanka loo galayo ku guuleysiga soo saarida shidaalka.

Websetka cusub ee shirkada Spectrum sameesatay ayaa sidoo kale lagu soo daabacay Anisixntii Xildhibaanada Golaha shacabka  ee Sharciga Batroolka dalka ay soo diyaarisay Xukuumada Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaamn Cabdishakuur Warsame ayaa su’aalo ka keenay sababta ay shirkada Spectrum websitekeeda ugu soo xayeysiisay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meelmaray sharciga Batroolka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu arintan uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maxay tahay sababta ay shirkada Spectrum websitekeeda ugu soo xayeysiisay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meelmaray sharciga Batroolka. Maxayse u dalbanaysaa in uu madaxwaynuhu saxiixo? maxay Aqalka Sare meesha uga saartay? Maxayse u rabtaa in xaraashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya sanadkaan dabayaaqadiisa la soo gabagebeeyo?

Waa in ay qarashkii ka galay kasoo ceshato shirkadaha xirmooyinka (blocks) laga iibinayo, shaksiyaadka Soomaalida ahna ay xirmo kasta ka helaan lacago curaar ah (kickback), shirkadaha wax iibsanayana ay u xajisnaadaan xirmooyinka ay iibsadeen, shacabka Soomaaliyeed keli ah uu ahaado midka aan waxba dheefsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Galmudug oo kulan deg deg ah la iskugu yeeray & Xildhibaanadii Ahlu sunna oo..

Caydiid Ali

Mashruuca Dhismaha Wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo qol isku soo xiray Cuntadana diiday iyo xaaladiisa oo laga deerinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---