Kulan daba socday Kulankii ay maalintii talaadada ku yeesheen gudiga Farsamada Arimaha Bulshada oo uu shir gudoominayay Xoghayaha Joogtada ee Ra’isal Wasaaraha ayaa ka dhacay xafiiska Ra’isal Wasaaraha iyadoo lagu dhagaystay horumarada ay hiigsanayaa wasaaradaha kala Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta, Waxbarashada, Shaqada & Arimaha Bulshada.
Wasaarada Tacliinta ayaa sheegtay in ay hiigasanayaan in ay shaqaalaysiiyaan ugu yaraan ilaa iyo 5000 oo macalin intaa aan la gaarin sanadka 2020 waxayna sheegeen in ay ku howlan yihiin Samaynta manhaj guud oo dalka yeesho iyadoo qaybta koowaad ee manhajkan ay soo bandhigi doonaa Bisha June ee sanadkan, soo celinta dugsiyada dowlada iyo dayac tirkooda iyo arimo kale oo fara badan.
Sidoo kale wasaarada Warfaafinta ayaa igu soo bandhigay doorkooda Horumarinta Arimaha Bulshada Waxayna sheegeen in ay bud dhigo u yihiin hawlaha wacyi galinta dadwaynaha iyo Horumarinta dowlad wanaaga waxay sheegeen in xafiiska ra’isal Wasaaraha ay ugu baahan yihiin in ay ka la garab istaago howshaas balaaran ee qaranka leeyahay.
Kulankan ayaa Talaadadii waxaa looga arinsanayay sidii siyaasad guud oo heer federal ah looga yeelan lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada, iyo soo diyaarinta siyaasada Arimaha Bulshada wasaaradaha ay ka socdeen agaasimayaasha guud ee ka soo qayb galay shirka.
Kulanka ayaa waxaa mar kale lagu soo bandhigay shaxda Arimaha Bulshada ee wasaaradaha, ayadoo ay wasaarada walbo ay soo gudbisay Waxyaabaha ay muhimada saarayso ee ku saabsan Horumarinta Arimaha Bulshada, intaa ka dib ayaa kulanka looga dooday shaqo wadaaga wasaaradaha iyo in la cabiro Qorshe howleedka ay qabanayaan.
Ugu danbaytii xoghaya Joogtada ayaa agaasimayaasha ku war galiyay in xafiiska Ra’isal Wasaaraha doonayo in uu ogaado sida ay socdaan hawlaha Arimaha Bulshada si loo gaaro yoolka Horumarinta bulshadeena, iyo dhamaystirka tubta Horumarinta Arimaha Bulshada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com