Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Waxaa gabal dhicii maanta Suuqa Degmada Xamar Weyne gaar ahaan agagaarka Masjidka Marwaazi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ku labisnaa dareeska milatariga iyo ciidamo kale oo booliis ah.

Iska hor imaadka dhax maray booliiska iyo ciidanka kale ee bubeesan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo Suuqa Xamar weyne u tagay dukaameysi.

Taliye kuxigeenka booliiska Soomaaliya Jen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in iska hor imaadka uu dhax maray ciidamo booliis ah iyo kooxo burcad ah ay sheegtay in ay doonayeen in ay dhac u geestaan dadka dukameysiga u tagay Suuqa Xamar Weyne.

Zakiya ayaa sheegtay in isku dhaca uu ku dhintay hal qof oo shacan ah halka ay ku dhaawacmeen 3-qof oo kale, waxa ayna xustay taliyaha in ay qabteen booliiska sadex burcad ah oo mid kamid ah dhaawac ahaa.

” Ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan.” ayey tiri Zakiya

Ciidamada booliiska ayaa howlgalo badan ka wada magaalada Muqdisho oo amaanka lagu xaqiijinayo, waxa ay sidoo kale booliiska inta ay howlagalada ku jiraan iska hor imaadka dhax maraa ciidamo milatari oo hubeesan.

 

Related posts

Qoorqoor oo dhameystiray xubno ka dhinaa Wasiirada Galmudug (Qabiilada & Magacyada)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay 5- nin oo la eedeeyay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Daawo Qoor Qoor “Degdeg haloo soo dhiso Xukuumad maadaama muddo 45 ah dalka laheyn Xukuumad !!

admin
Taboola Ads ---