Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Trump oo sharci yaab leh ku soo rogay dadka u socdaalaya dalka Maraykanka

Dadka dalbanaya fiisaha ama dal ku galka Mareykanka ayuu sharcigan cusub dhigayaa inay soo gudbiyaan faah-faahinta ay baraha bulshada ku isticmaalaan.

Waaxda sharciyada Mareykanka ayaa sheegtay inay dadka soo gudbiyaan magacyada ay baraha bulshada ku isticmaalaan iyo email adress-yadooda oo ilaa muddo shan sanadood ah shaqeynayay iyo sidoo kale telefoon nambaradooda.

Sharcigan oo sanadkii hore la soo saaray balse hadda dhaqan galaya ayay maamulku sheegeen in uu saameyn ku yeelan doonto 14.7 million oo qof sannadkiiba, balse sharcigan cusub ayaan saameyn doonin saraakiisha iyo diblomaasiyiinta Mareykanka u safraya.

“Waxaan mar kasta ka shaqeeyn doonnaa hababkii lagu hormarin lahaa geedi socodka baaritaanadeena, kuwaasoo an ku difaaceyno muwaadiniinteena,” ayay waaxda sheegtay.

Markii hore waxa baaritaanka noocaan ahi mari jiray dadka laga shakiyo oo baaritaan dheeraad u baahda, kuwaasoo ka yimaada waddamada ay ururada argagixisada saameynta ku leeyihiin balse haatan qof kasta oo dalbada dal ku galka Mareykanka ayuu sharcigan yaabka leh qabanayaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka xoogga oo kulan xasaasi ah la qaatay Soner Oruçoğlu

Cabdi Cade

Puntland oo diidan dhismaha dekada Hobyo xili Galmudug ay soo bandhigeen nashaqad cusub !!

admin

Villa Somalia oo Lacag badan ku bixineysa Masuul sare oo doonaya Kursi Xildhibaanimo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---