Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Weerar lagu qaaday xarunta degaanka Garasbaaley

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray xarunta Maamulka degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ilaalada Xarunta degaanka Garasbaaley oo ku taalla dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle iyo ragga weerarka soo  qaaday ayaa waxaa halkaasi  ku dhexmaray dagaal socday muddo kooban.

Xubno ka tirsan Maamulka degaanka ayaa sheegay inay iska difaaceen raggii xarunta soo weeraray, waxaana halkaasi gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tegay Xerada Asluubta ee magaalada Muqdisho kuwaasoo xoojiyay ciidamada ilaalada ka ah xarunta Maamulka degaanka Garasbaaley.

Ugu yaraan laba ruux ayaa la xaqiijiyey iney dhaawacmeen weerarkan, kuwaasoo ka mid ahaa ilaalada xarunta la soo weeraray sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa  howlgallo dad lagu soo qabtay ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Maamulka, kuwaasoo lagu tuhmay inay ka tirsanayeen kooxihii weerarka soo qaaday oo looga shakisan yahay iney ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Jidad hor leh oo caro lagu xiray kadib Dilal ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Farmaajo oo bilaabay Ololihisa doorashadda, halku-dheg yaab lehna la baxay

Caydiid Ali

Iran oo duqeysay Magaalo ku taalla Ciraaq iyo Mareykanka oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---