Kenya ayaa dib u bilowday darbiga ay ka dhiseyso Xaduudka ay la wadaagto Somalia gaar ahaan dhinaca degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo oo khilaaf xoogan uu ka jiray.
Waxaa burburay kulan Maalin ka hor lagu qabtay Magaalada Mandhera kaasoo lagu xalinayay in dib loo furo xadka Mandhera iyo Balad Xaawo oo todobaadyadii la soo dhaafay xirnaa.
Maamulka degmada Balad Xaawo iyo Shacabka ayaa dhowaan ka hor tegay qorshe dowladda Kenya ku dhisi laheyd derbigaas, taasoo dhalisay in dagaal u dhexmaro Shacabka iyo ciidamada Kenya.
Kenya ayaa lagu eedeynayaa iney derbiga soo gelisay degmada Beled xaawo ayna dooneyso in qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya ay dhinaceeda marsato.
Hase ahaatee dowladda Kenya ayaa dhankeeda weli ku adkeysaneysa in darbigaas ay dhiseyso, iyadoo sheegtay inuu muhiim u yahay ilaalinta amaanka dalkeeda.
Dowlada federaalka ayaa dhowaan wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay degmada Beled xaawo si ay u soo baaraan eedeymaha loo jeedinayo Kenya ee la xiriira iney xadka Somalia ku xad gudubtay.
Guddiga ayaa sheegay in degmada Beled Xaawo ay sanadahan dambe u faaftay dhinaca xadka Kenya, ayna jiraan guryo laga dhistay xariiqa kala qeybiya soohdinta labada dal taasoo sababtay muranka taagan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com